Xasan Sheekh oo ku wajahan Jidda

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago dalka sacuudiga , halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono masuuliyiinta wadankaas.

Ilo xog -ogaal ah ayaa RBC u sheegay in Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala hadli doono madaxda dalkaas arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriira labada dal iyo in Dowlada lagu gacan siiyo ammaanka.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo la hadlay RBC ayaa sheegay in sidoo kale kulamada labada dhinac lagu soo hadal qaadi doono sidii Dowladda Sacuudiga u qaadan lahayd kaalinteeda kaga aadan tababarka ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Sacuudiga waxa uu la kulmi doono qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale magaaladda Jeddah waxa ay uga qeyb galayaan shirka Golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka dhacaya gudaha magaladaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dalka sida aad ah u taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya , inkastoo shantii sanno ee la soo dhaafay uu mugdi ku jiray xilligaas oo dalka uu hoggaaminayay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safarkan ayaa noqonaya kii 9-aad ee uu Xasan Sheekh Maxamuud u baxayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, iyadoo loo hadal hayo tirada safarada uu galay madaxweynuhu.

Related Articles

News In English

Fikradaha