Xasan Sheekh oo u taag la’ doorashada KGS oo Baydhabo gaaray

|

Muqdisho (ONKOD) Maanta oo Arbacaha Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay halkaas oo lagu sood dhaweeyay.

Madaxwaynaha Soomaaliya inta uu ku sugan yahay magaalda Baydhabo waxa uu la kulmi doono Madaxwaynaha maamulka koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo xubnaha kale ee maamulkaas.

Ujeedka ugu wayn ee Madaxwaynaha uu u gaaray Baydhabo ayaa ah culays siyaasadeed oo ka haysta xubnaha mucaaradka maamulka koonfur Galbeed oo la xiriira doorashada maamulkaas .

Waxa ay maanta sheegeen xubnaha mucaaradka koonfur galbeed in ay ku dhaliilayaan Madaxwaynaha Soomaaliya sida uu uga gaabiyay fulinta heshiis uu isaga garwadeen ka ahaa oo ku saabsan doorashada.

Si kastaba Safarka Xassan Shiikh ayaa ku soo aadaya xili uu dhamaad ku dhow yahay sanadkii dheeriga ahaa ee  Laftagareen uu sameystay muddo kordhinta, islka markaana siyaasiyiinta mucaaradkiisa loo diiday iney tagaan magaalada Baydhab.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha