Garoowe (ONKOD ) Ciidamo –fara badan oo ka gadoodsan wax ka bedelka Dastuurka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah xirtay waddooyin muhiim ah oo ka mid ah magaalada Garoowe
Ciidamada mucaaradka oo markii hore ku sugnaa bannaanka magaalada, ayaa lagu waabariistay iyagoo gudaha usoo galay qeybo kamid ah magaalada, islamarkaana jidgooyo dhigtay qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Ciidamada hubeysan ee isku fidiyay qeybo kamid ah magaalada Garawe ayaa waxaa wata sargaal lagu magacaabo Jimcaale, sargaalkan iyo ciidankiisa ayaa kasoo horjeeda in baarlamaanka Puntland wax ka bedelaan oo furaan dastuurka Puntland u yaalay.
Warar aanu helnay ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in baarlamaanka Puntland uu doonayo inuu soo horumariyo furista dastuurka, si ay wax uga beddelaan qodobo ku saabsan tirada xisbiyada siyaasadeed.
Hase ‘ahaatee ‘ Xiisadan ka Taagan Magaalada Garowe ayaa imaaneysa xilli uu furmay Kalfadhiga 52aad ee baarlamaanka Puntland Taas oo laga filan karo in xildhibaanada Golaha Wakiiladaa Puntland ay bilaabaan Dood la xiriirta wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka Puntland