Xildhibaan Odawaa ayaa diiday guddi maanta lagu daray

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa diiday guddi maanta lagu daray oo ahaa baarista fowdadii dhowaan ka dhex kacday xarunta Baarlamaanka ee Vila Hargeysa.
Fowdada, ayaa ahayd sawaxan iyo gacan qaad ay isku gacan qaadeen xildhibaanno qaar oo ka careeysnaa ansixinta golaha Wasiirrada.
Ka cudur daarasho.
Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan.
Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka.
Mahadsnaidiin.
No photo description available.

Related Articles

News In English

Fikradaha