Xildhibaan u taagan doorashada Kenya oo qof ku dilay goobta codeynta

|

 Nairobi (Onkod Radio)— Booliska Kenya ayaa ku raad-joogaa xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa musharrax kale oo uu tartan ka dhexeeyay.

Goobjoogayaal waxay sheegeen in xildhibaanka deegaanka Kimilili, Didmus Barasa uu madaxa ka toogtay ninka kadib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.

Waxay booliska u qabteen xildhibaanka in muddo 24 saacadood gudahood uu isku soo dhiibo.

Xildhibaan Didmus Barasa kuma cusbo dhacdo noocan ah sanadkii hore ayaa la xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu weeraray fannaan kamid ah dadka deegaanka.

Didmus Barasa wuxuu horey uga tirsanaa militeriga Kenya.

Related Articles

News In English

Fikradaha