“Maalmihii xumaa ee nolosha iga soo maray weligey ma illaawayo. 20 kiilo ayaa miisaankeyga ka dhacday murug darteed,” ayey tiri.

Sheekada Maryam waa mid haysato gabdho badan oo ku nool dalka Iran.

Dumarka siyaabo kala duwan bikranimada ku waayey waxay galaan qalliin lagu soo celiyo bikranimada haweenka si ay u ilaaliyaan sharaftooda iyo sharafta qoyskooda, waxaana kaga baxa kharash aad u badan.

Waxaana haatan billaabmay dhaqdhaqaaqyo ay rag iyo dumarba ka qayb qaadanayaan oo lagu doonayo in arrinkaa wax laga baddalo.

“Waxay xadgudub ku tahay xorriyadda qofka, waana bahdil,” ayey tiri Neda oo ka mid ah dadka sida weyn arrinkaa uga soo horjeedo.

Waddamada kale uu dhaqanka noocan ah ka jiro waxaa ka mid ah dalalka Indonesia, Ciraaq iyo Turkiga.