Xirsiyo Maxamed: “Labo kamid ah 8 Carruur oo aan dhalay ayaa u geeriyooday Cunno & Biyo la’aan”

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysay waxa ay sababeysaa Xaalado adag oo ay wajahayaan Dadka kunool deegaannada biyaha & Cunnada laga waayay ee Koofurta Dalka u badan.

Dad aan tiro-koob rasmi ah laga heyn ayaa maalin weliba isaga kala gudba Degmooyinka Gobollada Dalka si ay u tagaan Meelaha ay u arkaan in ay ku heli karaan Cunno iyo Biyo oo ah baahida ugu weyn heysata.

Xirsiyo Maxamed waxa ay kamid tahay Dadka saameynta taban ku reebtay abaarta, waxa ay sheegtay in socod dheer kaddib iyada iyo qaar kamid ah carruurteeda ay gaareen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Siddeed carruur ah oo ay dhashay waxa ay Xirsiyo sheegtay in labo kamid ah ay u dhinteen Cunno la’aan iyo haraad badan oo ay la kulmeen, taasi waxa ay ku qasabtay in ay naftooda la baxsadaan una baqooleen meelaha ay u arkaan in ay wax ku heli karaan.

Degmada Doolow waxaa ku yaalla Xeryo loo dhisay Dadka barakacayaasha ah oo intooda badan kasoo barakacay Gobollada Bay, Bakool oo ah DG Koofur Galbeed & Degmooyin katirsan Gedo DG Jubbaland oo isla degmadaas katirsan tahay.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Gedo & Kan Degmada Doolow ayaa sheegay in sababta keentay in Dadka ay isugu tagaan Degmadaas ay tahay in ay degen yihiin Hay’ado hoostaga Qaramada Midoobay.

Balse waxa ay mas’uuliyiintu sheegeen in gargaarka loo qorsheeyay in la siiyo Barakacayaasha aanay ku filneyn, qaar kamid ah qoysaska waxa ay safar dhulka ah ku qaadatay in ay Doolow ku tagaan muddo 4 cisho ah ama ka badan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaarta ka jirta Soomaaliya, Itoobiya & Kenya ay saameyn taban ku reebtay ku dhawaan 20 Milyan oo ruux, halka gargaarkii loo qorsheeyay uu gaaro 18%, haddii roob la’aanta sii jirtana xaaladdu kasii dari karto sida hadalka loo dhigay.

Xigasho Mustaqbal

Related Articles

News In English

Fikradaha