Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ku xiran guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, oo sida ay wararka sheegayaan ay xirtay dowadda Soomaaliya.
Guddoomiyihii hore gobolka Hiiraan, ayaa la sheegay in waqtiga la xirayay uu u socday magaalada Baladweyne, oo ay ka taagneed xiisada askartii Aanada qabiil loogu dilay deegaan hoostaga degmada Ceel-baraf ee gobolka shabeellaha Hoose.
Xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay xariga guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay cambaareynayaan xariga sharci darrada ah ee loo geystay guddoomiyaha, waxa ayna ku baqeen in xuriyadiisa dib loo siiyo.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynayaa afduubka sharci darrada ah ee lagula kacay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax oo ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran.
Sidoo kale ehelada guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inaysan ogeyn halka uu ku xiran yahay guddoomiyaha, waxa ayna ugu baqeen in si degdeg ah ay dowladda u sii deyso.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran