XOG : Kooxda Al- Shabaab oo ku dhawaaday Masgawaa ee G.Galgaduud

|

Dhuusmareeb (ONKOD) Xog Radio ONKOD uu helay ayaa sheegaya in kooxda Al- Shabaab ay kaabiga ku hayaan deegaanka Masgawaa ee gobolka  galgaduud halkaas oo ka mid ah deegaanadii kooxda laga saaray.

Sida wararka ay sheegayaan kooxda ayaa duleedka deegaankaas sidoo kale ka sameeyay arbushaad , taas oo lagu tilmaamay in ay ahayd mid sahan  ah.

Qof ku sugan Masgawaa oo nala hadlay ayaa sheegay in   dhawr  jeer gudaha deegaankaas ay soo – galeen xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab dibna ay uga baxeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayso in ay kaga adkaato kooxda Al- Shabaab hase ahaatee waxaa muuqanaya in awoodood ay kordhiyeen

Si kastaba Dowladda ayaa ciidamo fara badan ku daabushay deegaano badna oo dalka ah sidaas oo ay tahayna waxaa ka dhacay iska hor imaadyada labada dhinac

 

Related Articles

News In English

Fikradaha