XOG : MD Xasan Sheekh – ma ogola in doorasho ay ka dhacdo KGS

|

Baydhabo (ONKOD) Madaxwaynaha  Dowladda Soomaaliya oo wajahaya caqabad la xiriirta maamul-goboleedyada dalka ayaa la sheegayaa inuu dhawaan tagi doono magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaxwaynaha  iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamul goboleedka koonfur Galbeed ayaa isku maandhaafay in deegaanada maamulkaas ay ka dhacaan doorashooyin maadama waqtiga uu ka dhamaaday Laftagareen.

Hase ahaatee Madaxwaynaha ayaa caqabad ku ah qodobo ka mid ah  heshiiskii madasha wadatashiga ee muddada halka sanno loogu kordhiyay dhamaan maamul goboleedyada oo isku waqti laga wada dhigay mudo xileedka Dowlada iyo maamulada.

Laba oo kulan oo is xiga ayaa waxaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan ka dib markii  Madaxwaynaha uu u  sheegay xubnaha siyaasiinta in dalka uu dagaal uu ku jirto waqtigan suurgal ahayn in doorasho la qabto.

Siyaasiintan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay ka wadaan abaabul siyaasadeed  oo ka dhan ah madaxwaynaha maamulka  koonfur Galbeed Laftagareen.

Madaxwaynaha koonfur  Galbeed  ayaa la sheegay dhawaan in magaalada aysan ka soo degi karin siyaasiinta isbedel doonka ah ee doonaya in ololaha ay ka bilaabaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha