XOG – MD Xasan Sheekh oo culays kala kulmaya beelaha Galgaduud.

|

Dhuusmareeb (ONKOD) Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay qaado wajiga labaad ee  howlgalka ay ku doonayso in ay ku  jabiso kooxda Al- Shabaab ee  gobolada dhexe.

Ciidamo fara badan ayaa la geeyay degmada Dhuusamareeb kuwaas oo la sheegay in ay horudhac u yihiin wajiga labaad ee howlgalkaas oo la sheegay in xitaa Xasan Sheekh uu sal dhigan doono  Galgaduud.

Sid ay xogaha ay sheegayaan Xasan Sheekh ayay ahayd in mar hore uu gaaro degmada Dhuusmareeb hase ahaatee waxa  uu culays uu kala kulmayaa beelaga gobolka Galgaduud.

Xogaha sida ay sheegayaan  siyaasiinta iyo saraakiisha ka soo jeeda Degmada Ceelbuur ayaa sheegay  in Xasan Sheekh ay  hor dhigeen in hubka iyo saanada ciidan uu ku wareejiyo ciidanka beesha oo iyaga qayb ay ka qaadan doonaan howlgalka deegaanadooda.

Arinta saraakiisha ayaa daba socotay ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan in la Dowladda ay hubaysano ciidamo kale oo aan u dhalan deegaanka  kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgalada.

Diidamada beeshan ay ka muujiyeen howlgalada lagu  qabanayo  Deegaanka Ceelbuur ayaa culays badan ku keentay  Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama oga ilaa iyo hadda sida Xasan Sheekh u xal uga gaari karo arrimahan ka  taagan deegaanada Galmudug ee la xiriirta hubka la siinayo beelaha ka qayb qaadanaya howlgalada.

Howlgalka Ceelbuur ayaa dhawr jeer uu hakad ugu yimid sabab la xiriirta culayska siyaasiinta iyo saraakiisha Deegaankaas ay saareeen Dowladda , xitaa mar ayaa  jirtay in la doonayay in la go’doomiyo deegaanka oo Al- Shabaab haystaan hase ahaatee laga hor yimid.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha