Xubno ka tirsan Daacish oo lagu qabtay Turkiga iyagoo isku dayaya falal amni darro

|

Ankara (Onkod Radio) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee turkiga Oo Shaacisay In La Xiray 5 nin Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish isla markaana Isu Diyaarinayay Inay Qaadaan Talaabo khaldan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shaacisay in Ramo Mohammed Al Hamed, oo lagu naaneyso Rami Remo, kana tirsan shaqaalaha maamulka ISIS, la qabtay xilli uu isku diyaarinayey inuu howlgal amiga lid ah fuliyo.

Wasaaradda ayaa shaacisay in Rami Remo iyo 4 kale oo ka tirsan Daacish lagu qabtay gobolka Jarablus.

War qoraal ah oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in shantaan xubnood ee daacisha ka tirsan isla markaana ah kuwo sare sare ay xabsi ku yaalla dalka Suuriya ka sii daayeen kooxo kale oo ay ku jirto kooxda PKK kuwaas oo geeyay gobalka Jarablus kuna xiray shuruudo.

Waxaa la sheegay in howlgalkaasi ay fuliyeen taliska ciidamada Gendarmerie ee gobolka Gaziantep iyo ciidamada Gendarmerie Syria Task Force.

Waxaa sidoo kale la xusay in xubnaha ISIS ay arrin amiga carqaldeyneysa ku dhaqaaqi rabeen iyagoo ku sugan Turkiga.

Related Articles

News In English

Fikradaha