Xuutiyiinta oo ku hanjabay in ay duqeyn ka geysan doonaan Boosaaso & sababta

|

Xuutiyiinta Yaman ayaa markale ku hanjabay in ay 48 saac gudahood ay duqayn doonaan Xarunta Raadeerka Imaaraatka oo ah saldhig ay ugu talalo galeen in ay ka ilaaliyaan biyaha Badda-Cas.

Kadib markay garoonka Boosaso soo buux dhaafiyeen diyaarado sida ciidamo Calooshood u shaqaystayaal ah Colombian ay soo kiraysteen Imaaraadku.

Arintaani ayaa la sheegay in Madaxwayne Deni Cabsi ku abuurtay ayaa sababi karta in uu iskaga soo guuro/Cararo Xarunta dhufayska ah ee dhulka hoostiisa ay PMPF uga sameeyeen si uu xasaradaha taagan ugaga dhuunto.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin tallaabooyinka uu Imaaraatka ka wado magaalada Boosaaso, halkaasi uu dhowaan ku xirtay Raadeer, kaasi sida warar madax banaan ay sheegayaan ay lee dahay Israaiil.

Sikastaba, tallaabadan iyo hanjabaadyada Xuutiyiinta ayaa ku soo aadeysa xili kooxdu ay xoojisay weerarada Maraakiibta Badda Cas iyo duqeyn ay ku garaaceyso Israaiil.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha