Xuutiyiinta oo weeraray Markab ku sii jeeday Israa’iil

|

Sanca (ONKOD) Kooxaha   xuutiyiinta ee awoodda ku leh  Yeman ayaa gantaal ku dhuftay Markab laga leeyahay dalka Holand oo marayay badda cas sida ay ku warameen warbaahinta dalkaas.

Sida ay ku warantay warbaahinta waxaa Markabkan ayaa  lagu weeraray gantaal nuuca loo yaqaan  cruise-ka kaas oo laga tuuray gudaha dalka Yeman.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan aaga weerarku ka dhacay ayaa si deg deg ah ugu gurmaday markabka gantaalka lagu shuftay.

Ciidanka  Mareykanka ayaa dhankooda la sheegay in ay qaadeen weerar kale oo ay kaga jawaab celinayaan weerarkan ay fuliyeen kooxaha Xuutiyiinta ee xooga ku haysta dalka Yeman.

Dowladda Holand oo laga leeyahay Markabka weerarka lagu qaaday ayaa ilaa iyo hadda wax war ah aysan ka soo saarin khasaraaha markabka iyo shaqaalaha uu soo gaaray.

Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa horey ugu hanjabay in ay beegsan doonaan Maraakiibta laga leeyahay Israa’iil iyo kuwa kale ee kusii jeeda dalkaasi.

Kooxaha  Xuutiyiinta ayaa marar badan u hanjabay Maraakiibta ku sii jeeda Israa’iil sabab la xiriirta weerarka lagu haya dadka Falastiniinta.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha