Yaa kusoo baxay kursigii Mahad Salaad?

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah Golaha shacabka, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#147.

Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay, Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha guud ee hay’adda NISA.

Doorashada kursigan oo aan loo gelin tartan adag ayaa waxaa ku soo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Aamina Tahliil Warsame oo la tartami laheyd.

Natiijada soo baxday ayaa aheyd mid la filayay, sida aan horay u baahinay, maadaama kursiga markii horeba loo xiray ninka kusoo baxay ee Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo garab weyn ka helay taliye Mahad Maxamed Salaad.

Sidoo kale waxa uu taageero buuxda iyo garab istaag ka helay jufada kursiga leh, taaas oo u sahashay in ugu dambeyn uu kusoo baxo.

 Ilyaas sidoo kale wuxuy horay u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha