Yaasiin Farey oo jawaab culus soo saaray kadib qoraalkii kasoo baxay xildhibaanada Mareexaan

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa markii u horeysay ka hadlay mucaaradad nooc cusub ah oo ku bilaabatay xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya marnaba aysan dhicin in lagu mucaarado qaab qabiileysan oo weliba jufeysan, ayna tahay taariikh cusub waxa socda.

“Shalay ma dhicin beel mutaxan, in dowladnimada looga soo horjeesto qaab qabiileysan waa taariikh cusub, iyadoo Xildhibaano labada gole oo isku jufo ah iyo siyaasiyiintii ay si aan gambasho laheyn usoo saarayaan bayaan Diidmo dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Xildhibaan Yaasiin ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay in aad looga fikiro shirarka ay ku baaqayaan siyaasiyiinta isku beesha ah.

“Mustaqbalka waxa ay ku tahay Walaalaha howshaa ku howlan bartilmaqmeed hadaf la’aan ah soona afjaraya hamigooda siyaasadeed ee xulufeysiga, hankooda wadaninimo iyo is aaminaada bulsho ee kala dhaxeysa beelaha iyo qowmiyadaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Waxay lamid yihiin siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee 2017-kii lasoo shir tegay “No More” Xagee ku dambeeyeen? Maxay ka dhaxleen? “War hooy dunida yaan lagu kibrine’ nabad ha loo daayo.

Hadalka Yaasiin Farey ayaa imanaya saacado kadib markii Xildhibaanada labada gole ee ku metala beesha Mareexaan-Sade ayaa shaaciyeeen inay gebi ahaanba qaadaceen Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xildhibaannada SADE ayaa sidoo kale taageero u muujiyay shirka wad-tashiga ah ee ay shalay ku dhawaaqeen madaxweyne ku-xigeennada Jubbaland iyo Galmudug.

Related Articles

News In English

Fikradaha