Zelenesky oo booqday jiidda hore ee dagaalka

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelenesky, ayaa booqashadi ugu horreysay ku tagay jiidda hore ee dagaalka.

Zelenesky, oo magaalada Kharkiv, maanta booqday wuxuu soo muuqday isaga oo ku labbisan direyska ciidamada Ukraine.

Madaxweynaha oo si weyn ugu soo shaac baxay duullaanka Ruushka uu dalkiisa ku qaaday geesinnimadiisa waxaa lalala mid dhigaa Winston Churchill.

Wuxuuna booqasho taa la mid ah uu ku soo maray caasimadda Kyiv, waxaana laga soo duubay muuqaallo isaga waddooyinka magaalada dhexmaraya.

Muuqallada Zelenesky laga duubay ayaa lagu micneeyey farriin ku socota madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin iyo ciidamadiisa.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha