FAALLO: Aaway dadkii dabka colaadda baqtiin jiray? Yaase daan walba oo ay Soomaalid degto colaadda ka hurinaya?

|

Waxaa ayaandarro iyo ah in maanta oo la joogo xilli la dhihi karo Soomaalida aqoon diimeed iyo mid maaddiba waa ay ku horumartay, in durbaankii colaadeed ee qabiiliga ahaa uu weli ka daryaamayo doc kasta oo Soomaalidu ka degto Geeska Afrika.

Xuduudda Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya waxaa ka holcaysa colaad maamul iyo mid qabiil kulansatay oo isku sidkan, sababtayna dhimasho iyo dhaawac, burbur iyo barakac laga baaqasan karo. Waxaa kale oo gobolka Sanaag ka kacay duufaan colaadeed oo iyaduna dad ehel iyo arxibo ah u dhexeysa. Dhinaca Gobolka Gedo waxaa ka dhacday mashaqo Soomaali ka billaabatay balse ay ciidan Itoobiyaan ah ku lug-lugleeyihiin oo dhimasho iyo dhaawac sababtay.

Dhanka kale waxaa weli luqunta iskula jira maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo aanay illaa iyo hadda ka muuqan, in tanasul, turaale iyo xaal-mastuur lagu qaboojiyo xiisadda labada dhinac u dhexeysa ee aanay ku jirin dan guud iyo mid gaar ah toona.

Waxaa iyana soojireen ah oo waxaas mashaqo ah ka sii mixnaysan khilaafaadka siyaasiga ah ee u dhexeeya madaxda Soomaalida meel kasta oo ay maamulaanba. Hubanti la’aanteeda siyaasadeed ee ka dhalatay nooca doorasho ee ay dowladda dhexe u diyaarsantahay in hoggaanka soo socda lagu soo doorto ayaa isna ka dhigaya xaaladda dalka Soomaaliya mid wax walba laga filan karo.

Waxaan isweydiiyay waxa keenaya waxtar yaraanta aqoonta korortay ee Soomaalida, mar haddii aanay wax ka beddelin colaadaha qabiilka ku salaysan ee waagii hore loo heystay in uu Jahligu sabab u yahay. Mise, aqoontu waxay la mid noqotay hal-bacaad-lagu lisay, aqoon la xifdiyay ama dusha laga bartay oo aan la dabaqin.

Waxaa mudan in sidoo kale maanka lagu hayo, in colaadaha holcaya dhammaadka sannadka 2024 ay u danaynayaan cadawga muuqda iyo kan daaha gadaashiisa taagan ee Soomalida, kuwaas oo baylah ka heli doono dhulka iyo badaha Soomaaliyeed, haddii aan colaadda la joojin, caqliguna shaqayn.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagammamaarna ah, in la helo dad ka kora qabiilka oo ugu yaraan qaata aragti ku qotonta qawmiyad (Soomaalidu waa qowmiyad).

Si colaaduhu u yaraadaan, waxaa mudan in qof kasta uu qaybtiisa ka qaato daminta colaadaha ama uu ugub yaraan uu gacmihiisa ka laabto sii hurinta colaadaha.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha