Colaadihii Hore Cashar Laguma Qaadan Miyaa?

|

Nairobi (ONKOD) Nasiib darro waxaa ah in maanta oo dunida ay amuuro kale ka socdaan, ayna jiraan khataro kale oo saameyn kara nolosha aadanaha oo dhan, Soomaaliyana ay ku jirto dagaal howl ugu filan, dagaalka Khawaarijta, ay Colaado sokeeye dalka ka aloosmaan.

Sida fahamkeygu ii sheegayo, colaadaha iyo dilalka ka dhex dhacaya dadka walaalaha ah ee Shabeelada dhexe iyo Galmudug, waxaa sabab u ah;

1) Khawaarijta oo dooneysa colaadda dadka dhexdooda ah in ay gabbaad ka dhigtaan, ama dadkii la dagaalamayay isku mashquuliyaan;

2) Siyaasado gurracan oo laga leeyahey dano gaar ah, taas oo la doonayo in loo dhex maro dhiigga dadka;

3) Maamul xumo, caddaalad darro iyo tabashooyin aan la xallin oo markasta taagan.

Waxa maalmahaan ka dhacayey Shabeelada dhexe, ma ahan dhaqan lagu yaqaan Beesha magaca weyn ee Abgaal Cusmaan. Beeshaan, inta badan, labaatankii sano ee la soo dhaafey, iyada ayaa hoggaanka u heysey siyaasadda dalka, Raysal-wasaare ilaa madaxweyne, iyo sidoo kale, hoggaanka Beel-weynta Hawiye.

In maanta laba jufo oo Abgaal ah ay guryaha iska gubaan, caruurta iyo macallimiintana iska laayeen, kama tarjumeyso hoggaan ummadeed oo laga sugayo soo nooleynta qaran burburey.

Madaxda, dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada beesha Abgaal, waxaa hortaalka xujo furiddeeda laga doonayo, taas oo ah, in ay is waafajiyaan hoggaaminta dalka iyo ceebta hoyaneysa guryahooda.

Dhinaca Galmudug, maalmahaan waxaa soo baxaya dhaqamo ku cusub oo aan lagu aqoon dadka walaalaha ah ee reer Galmudug. Laba ilma-adeero ah oo isdilaya, kala qaxaya, waxna aan isu reebeyn, ma ahan dhaqan dadkaas lagu yaqaanney.

Dhacdada ka shaley laga soo wariyey caasimadda Galmudug ee lagu diley ganacsatada, waxay soo afjartey dhaqan soo jireen ahaa oo ay lahaayeen dadka reer Galgaduud, kaas oo ahaa in, xitaa haddii colaadi jirto, aysan gaarin meel kasta. Sidoo kale, waxay dhaawacdey sumcadda caasimadda, taas oo aheyd in ay ka caaganaato wax kasta oo la xariira colaadaha iyo is ugaarsiga dadka aanooyinku dhex yaalaan.

Dhacdadaan ma ahan mid ka tarjumaysa dhaqanka dadka reer Dhusamareeb, waxayna u muuqataa mid dano gaar ah laga lahaa, taas oo aan rajeynayo in ay mar uun soo bixi doonto. Siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa, waana lagu tartami karaa, laakiin in ceeb loo dhex maro ma ahan mid lagu gaarayo siyaasad ka dhaxeyn karta reer Galmudug.

Qofka ku fakarayo in kala geynta walaalaha Cadaado iyo Dhuumareeb ay gaarsiin karto kursi iyo siyaasad, wuxuu noo aqrinayaa kitaabkiisa aan waxba ku qorneyn, taas oo ka soo maaxaneysa maskax aan ku jirin halkii lagu ogaa.

Eedo been abuur ah oo dadka laga sameeyo, qaraxyo la dhigo, ilma-adeero qoorta la isu geliyo, iyo dilal ceebeedyo laga fuliyo Dhusamareeb, lagama yaabo in lagu gaaro siyaasad iyo dano lagu nabad geli karo ama la wada leeyahey. Sidoo kale, ma jirto cid lagu matali doono xumaanta intaas la eg.

Nasiib darrada kale ee dadka reer Galmudug, gaar ahaan, dadka Matabaan, Gurceel iyo Dhusamareeb, ku habsatey ayaa ah in dadkii laga doonayey in ay xalka keenaan oo gooyaan, aysan jirin oo joogin.

Bal ka waran, marka:

1) Qofka mataaladda ku fadhiya uu bannaanka la istaago, wax kama qaban karo!

2) Odeyga dhaqanka uu la soo istaago “arintaan waa iga weyntahey” bal adigu arin odey ka wayn meel u qaad!

3) Qofka magacaaban ee xaafiis ku matalaya ummaddaas uu yiraa, “wax kama galo!”

4) Ganacsadihii magacooda ku shaqeysaneyey, kana dhex shaqeysaney uu ku gaabsado, “Amuurahaas ma galo!”

5) Haweenkii marka raggu gabaan soo kici jirey oo marada tuuri jirey, xalkana riixi jirey ay make up-kooda ilaashadaan!

6) Aqoonyahankii iyo Culimadii ay ku gaabsadaan, “fitno lama dhex galo!”

Haddii intaas oo dhan aysan arimaha dadka dhex yaala xal u keeni karin, toloow ma malaaigbaa la sugayaa?

Dadkii hore, mataladaad, culimo, iyo madax dhaqan, ma jirin arin ka weyn, waxaybana geli jireen, xalna ka keeni jireen arimo ay dowlado ka quusteen. Dunida iyo Soomaaliyaba, waxaa ka jira maamulo iyo dowlado ay dhiseen dhaqanka iyo culimada oo kaashanaya qeybaha kale ee bulshada. Tusaale fiican, waxaa u ah, Somaliland iyo Putland.

Ugu danbeyn, Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa, “Aqool xumo abaar ka daran,” waxaan dadka deegaanada Matabaan, Gurceel, iyo Dhusamareeb kula talinayaa in ay dib u eegaan taladooda, iskana gaaraan, inta aysan taariikhdooda laga wasaqeyn oo la xumeyn!

Dr. Maxamed Aadam Koofi

Related Articles

News In English

Fikradaha