Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun ku Ridday Afar eedeysanayaal

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday eedeeysanayaal kala ah, Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar, Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed, ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil & Xabsi.
Cabdi Xasan Rooble Maxamed, ayaa lagu xukumay Dil-toogasho ah, kadib markii ay Maxkamadda ku heshay dilka Allah Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Gaab) oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sannadkan.
Halka Saddexda kale ay ku xukuntay Min 15-Sanno oo Xabsi Ciidan ah, Dhammaan afarta Eedeysane ayaa mar qura kuwada tuuray Bam F1- ah, Saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-Wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sannadkan 22-keedii, xilligaasi oo mar Qura gacanta ay ku dhigeen Boliiska Soomaaliya.
Warbixintaan ayaa lagu daabacay bogga Facebook ee Tv Af-ka Dowladda ku hadla

Related Articles

News In English

Fikradaha