SJS oo tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadahan u qabatay warfidiyeenka magaalada Cadaado ee Galmudug

|

Muqdisho (Onkod Radio) –  13 June 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ku soo gabagabeeyay tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadanaha oo ay ka faa’ideysteen 25 saxafi oo ka kala socda warbaahinta madaxa-bannaan. Tababarka wuxuu socday muddadii u dhexeysay 9 – 11 June, 2022.

Tababarkan oo socday saddex maalin ayaa waxaa taageeray National Endowment for Democracy (NED). Wuxuuna ujeedkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa fahamka saxafiyiinta ee wararka xuquuqda aadanaha iyo inay awood u yeeshaan ururinta, diiwaangelinta iyo tebinta dhammaan dhacdooyinka xadgudubyada xuquuqda aadanaha si ay taasi uga caawiso dhibbaneyaasha helista u qareemis. Tababarka wuxuu qeyb ka yahay lix qeyb oo tababarro ah oo loogu talagalay sare u qaadista xirfadda wariyayaasha ka warama arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwaasoo SJS ay u abuurtay gole ay ku mideysan yihiin oo ka kooban 150 saxafi oo ku nool gudaha Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin oo furitaanka tababarkan ka hadlay ayaa tilmaamay in yaraanshaha xirfadda saxafiyiinta ku koray muddada burburka dalka Soomaaliya iyo fursadda tababarrada oo aan jirin ama yar darteed ay sababtay in warbaahintu ahmiyad siin weyso wararka la xiriira dhacdooyinka xuquuqda aadanaha.

“Waxaan nimid Galmudug si aan saxafiyiinta u tababarno difaacidda xuquuqda aadanaha. Waxaana ku soo beegannay iyadoo ay jiraan arrimo muhiim ah sida abaaraha saameeyay nolosha dadweynaha ku nool gobolkan oo ay kujiraan dadka horeyba ay u aafeysay dhibaatooyinka ka dhashay isbeddellada . Dhanka kale, waxaa hadda bilawday dhismaha golayaasha deegaanka oo ay yar tahay ka qeybgalka dumarka ee dhanka tartanka xafiisyada dadweynaha,” ayuu yiri Xoghayaha SJS, Abdalle Mumin.

Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin oo furitaanka tababarkan ka hadlay, 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.
Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin oo furitaanka tababarkan ka hadlay, 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

Mr. Mumin ayaa u rajeeyay saxafiyiinta inay dhaqngeliyaan waxyaabaha ay ku barteen tababarka oo ay ku jiraan dastuurka dalka, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadii’da aas aaska u ah difaacidda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug, Axmed Shire Falagle oo kasoo qeybgalay furitaanka tababarka ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda difaacidda xuquuqda aadanaha u leedahay dhismaha nabadda deegaanka iyo is aaminaadda bulshada. Wuxuu wasiirku ka codsaday saxafiyiinta inay u qareemidooda uga faa’ideeyaan sidii gargaarka bani’aadannimada loo gaarsiin lahaa bulshada abaaruhu saameeyeen ee ku nool Galnudug, isagoo hawlwadeenna SJS ka codsaday inay tababarrada gaarsiiyaan dhammaan saxafiyiinta ku nool deegaanada Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug, Axmed Shire Falagle oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug, Axmed Shire Falagle oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

“Deegaankeennu waxaa ka taagan abaar saameysay dad iyo duunyo. Waxaan rajeynayaa in tababarkan uu warfidiyeenka u horseedi doonoo inay dareenka caalamka ku soo jeediyaan dhibaatadda bani’aadannimo ee ka jirta Galmudug iyo sidii dadka nugul ee bulshada ka midka ah loogu gurman lahaa. Waxaan kaloo saxafiyiinta kula dardaarmayaa inay dhowraan anshaxa saxaafadda oo ay muujiyaan mas’uuliyad weyn marka ay tebinayaan wararkooda,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Agaasimaha Radio Cadaado, Sharma’arke Mohamed Mohamud ayaa sheegay in tababarkan uu yahay midkii ugu horeeyay ee loo sameeyo saxafiyiinta Galmudug isagoo codsaday in tababarro xirfadeed oo badan lasiiyo saxafiyiinta.

Agaasimaha Radio Cadaado, Sharma’arke Mohamed Mohamud oo ka hadlay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.
Agaasimaha Radio Cadaado, Sharma’arke Mohamed Mohamud oo ka hadlay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

“Saxafiyiinta Galmudug, gaar ahaan kuwa Cadaado ma helaan tababarro. Kani waa midkii ugu horreeyay. Waxaan si aad ah ugu faraxsanahay in SJS iyo NED ay nasoo gaarsiiyeen tababarka xuquuqda aadanaha oo ah mowduuca muhiim noo ah,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sabiriin Xasan Maxamed oo ka hawlgala Bulsho TV iyo Radio Cadaado ayaa muujisay in loo baahan yahay in sare loo qaado kaalinta gabdhaha saxafiyiinta iyadoo laga eegayo xuquuqdooda helista tababarro iyo taageerada helista xirfado sare u qaadaya shaqadooda.

Sabiriin Xasan Maxamed oo ka hawlgala Bulsho TV iyo Radio Cadaado oo ka hadashay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.
Sabiriin Xasan Maxamed oo ka hawlgala Bulsho TV iyo Radio Cadaado oo ka hadashay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

“Dumar badan ayaa ka hawlgala warbaahinta gudaha laakiin inta ma muuqato kaalintooda waxaana sabab u ah iyagoon helin fursad tababar iyo taageero. Sidoo kale dumarka saxafuiyiinta ma awoodaan inay si iskood ah u hawklgalaan waayo khibradooda way yar tahay mana heli karaan qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen,” ayey tiri Sabiriin.

Gabagabadii tababarka waxaa shahado guddoonsiinta kasoo qeybgalay Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi oo ka tirsan maamulka degmada Cadaado ee Dowlad Gobolleedka Galmudug.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha