Firdhiye oo kulan laqaatay Xasan Sheekh iyo Wararkii ugu dambeeyay

|

Muqdisho (ONKOD) Xasan Sheekh Maxamuud oo labo bil kadib magaalada Muqdisho kusoo laabtay ayaa waxa uu kulan laqaatay hoggaamiyaha cusub ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye.

Sidoo kale, Xasan Sheekh oo dagaalka Al-Shabaab kala soo kulmay niyad aad uweyn ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xaalada deegaanada maamulka SSC-Khaatumo.

Dhanka kale, hoggaanka SSC-Khaatumo iyo Xasan Sheekh ayaa soo hadal soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa xaalada bani’aadanimo ee kajirta gobolka Sool iyadoo ey xaaladahaasi sababeen dagaaladii qaraaraa ee kadhacay gobolka Sool.

Firdhiye ayaa Xasan Sheekh kala hadlay in gar-gaar bani’aadanimo lagarsiiyo gobolka Sool eyna helaan wixii ey xaqa uleeyihiin.

Related Articles

News In English

Fikradaha