GAROOWE : Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay wax ka beddalka Dastuurka

|

Garoowe (ONKOD ) Baarlamaanka maamul goboleedka  Puntland ayaa  ansixiyeen maanta furusta iyo  wax ka bedelka lagu sameenayo dastuurka maamulkaas.

34 Xildhibaan ayaa oggalaatay , hal mudane ayaa diidday, ma jirto cid ka aamustay, sidaa ayaana la sheegay inuu ansax ku noqday soo jeedinta in wax laga beddelo Dastuurka.

Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane oo keliya oo ka tirsan 66 xildhibaan, dood yar kadib waxay u codeeyeen in soo jeedinta la oogolaado, 34 mudane oo oggolaadey, waxaa diidey hal mudane oo keliya.

Dhinaca kalena, Dagaalka culus ayaa Garoowe weli ka socda, iyada oo si joogta ah loo maqlayo hubka waa weyn.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay siyaasiyiinta mucaaradka oo ku aadan go’aanka ay gaareen xildhibaanada baarlamaan goboleedka Puntland.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha