Hogaamiyihii Xamaas ee koonfurta Israel oo la dilay , biyo la’aan ka jira GAZA

|

GAZA (ONKOD)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida Cali Qadhi, taliyihii Xamaas ee hogaaminayay weerarkii ay kooxda ku qaaday koonfurta Israel todobaad ka hor.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in “diyaaradaha ay dileen Ali Qaadi, oo ahaa taliye shirkadeed oo ka tirsan ciidamada Hamas qeybta ‘Nukhba’.

Sida laga soo xigtay ciidamada difaaca Israa’iil, 37-jirkan ayaa ka mid ahaa ku dhawaad ​​1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah oo la sii daayay 2011-kii oo lagu beddelay Gilad Shalit, oo ahaa askari Israa’iili ah oo ay Xamaas qabteen.

Israel ayaa go’doomisay Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in shidaalka matoorada degdega ah Isbitaallada Gaza ay ku dhammaan karaan saacado gudahood, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ay ka digtay in cuntada iyo biyaha nadiifka ah ay aad u hooseeyaan.

“Dhibaatada bani’aadannimo ee ka dhalatay xiisaddan kasii dareysa waa wax laga naxo, waxaana ka codsanayaa dhinacyada inay yareeyaan dhibaatada dadka rayidka ah,” ayuu yiri Fabrizio Carboni, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC.

Tan iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil,Madaxweyne Putin wxuu jeedinayey Fariimo uu ku sheegayey in colaada Bariga dhexe ay tahay fashilka siyaasada Maraykanka ee Gobolka.

Marka laga soot ago faa’iidooyinka uu Ruushku ku qabo qalalaasaha socda ee bariga dhexe waxaa jira qataro.

“Xasiloonidarrada sida taxadarka leh looga shaqeeyay waa waxa saacidaya Ruushka ee ugu fiican”, sidaas waxaa aaminsan Hanna Notte.

Related Articles

News In English

Fikradaha