Xasan Sheekh ayaa safar dibadda ah ugu baxay magaalada Brussels

|

Brussels (ONKOD) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar dibadda ah ugu baxay magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium halkaas oo uu kaga qeygalayo shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa lafilayaa in uu shirka kajeediyo khudbad ku aadan xaalada Somalia iyo halka uu marayo howlgalada lagu ciribtiraayo Al-Shabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa waxaa lafilayaa inta uu shirka uu socdo in uu taageero weydiisan doono wadamada kasoo qeybgalaya shirka isagoona qiil kaga dhigan doono dagaalka Al-Shabaab.

Ugudambeyntii Xasan Sheekh ayaa shirka kadib waxa uu kaqeyb gali doonaa kulan duceedyo oo uu laqaadan doono madaxda kasoo qeyb galeysa shirka.

Related Articles

News In English

Fikradaha