Al-jazeera oo maxkamadda ICC u gudbisay kiiska dilkii Shireen

|

Doha (Onkod Radio) — TV-ga Aljazeera, ee waddanka Qatar, ayaa maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC u gudbin doona dacwadda dilka wariyaheedii Shireen Abu Akleh, sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay Tv-ga Khamiistii shalay.

Kooxda qareennada ee Aljazeera oo ay wehliyaan khubaro dhanka sharciga ah oo caalami ah ayaa soo diyaarin doona fayl ku saabsan dilka Abu Akleh, si loogu gudbiyo maxkamada ICC.

Abu Akleh, oo aheyd weriye caan ah oo u dhalatay Falastiin, heysatayna dhalashada Mareykanka, ayaa la toogtay intii uu socday duullaan ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed ee la haysto 11-kii May.

Related Articles

News In English

Fikradaha