Al- Shabaab oo arbushtay amniga degmada Ceelbarde ee Bakool

|

Ceelbarde (ONKOD) Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar gaadma ah waxaa lagu soo waramayaa in ay ku qaaday degmada Ceelbarde ee gobolka Baay.

Fariisimo ciidanka maamulka KGS ay ku leeyihiin degmadaas ayaa laga maqlayay saaka weerar  gaadma ah oo la sheegay in lagu qaaday ciidanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta labada dhinac ay is waydaarsanayeen in mararka qaar ay gaaraysay xaafadaha u dhaw fariisimaha ciidanka ee degmadaas.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu jiro hase ahaatee lama sheegin heerka uu gaarsiisan yahay , saraakiisha maamulka degmada uu weerarka ka dhacayna ma uusan ka hadlin.

Dhawr jeer sidan oo kale kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimaha ciidanka Dowladda iyo kuwa maamulka koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degaanada maamulkaas .

Sidoo kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta iski fidiyay duleedka degmada, halkaas oo ay ka wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan xubnaha soo weeraray.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib u laabteen, kadib saacado ay dagaal ka wadeen halkaasi.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha