Al- SHABAAB oo weerar ku bilaabay goobihii ay baneeyeen Ciidanka ATMIS.

|

Baardheere (ONKOD) Weeraro kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Al- Shabaab saacadihii la soo dhaafay in ay ka gaysteen deegaano badan oo koonfurta iyo bartamaha dalka ah.

Kooxda ayaa si gaar ah u beegsatay saldhigyo dhawaan ay baneeyeen ciidanka ATMIS ee howlgalka midowga Afrika  kaas oo qayb ka ah qorshaha dhimista ciidanka shisheeye ee dalka.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda kaga sugnaayeen deegaanka Gariley ee gobolka Gedo.

Saldhigan la weeraray ayaa dhawwaan waxaa ka baxay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS , kuwaa oo sannadihii lasoo dhaafay ku sugnaa, waxaana saldhigaasi lagu wareejiyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen  jugta hubka culus ee ay is wadaarsanayeen labada dhinac , taas oo cabsi galisay dadka ku nool deegaanada ku dhaw dhaw Deegaanka Garinlay ee gobolka Gedo.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee ka dhacay deegaanka Garaliey, labada dhinac ayaana dagaalkaasi ka kala sheegtay guulo, mana jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara kharaaha dhabta ah

Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka ayaa sheegaya in xaaladda hadda ay tahay mid degan  goobtana ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ,isla markaana ay wadaan howlgal ay amniga ku sugayaan

Ciidamada ATMIS ayaa bilaabay in ay ka baxaan qaar kamid ah saldhigyadii ay kaga sugnaayeen gobolada Soomaaliya, waxaana saldhigyadaasi lagu wareejiyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha