Kampala (ONKOD) Madaxwaynaha Uganda oo la xanuunsanayay COVID-19 ayaa waxaa soo baxayay maalmahan warar sheegaya inuu dhintay , taas oo isla qabsatay dalka Uganda.
Madaxwaynaha Museveni ayaa meesha ka saaray jiritaanka wararka xanta ah eek a jira dalkiisa ee ah inuu dhintay ka dib markii uu ku dhacay xanuunka COVID-19.
Waxa uu sheegay Madaxwaynaha Uganda inuu maqlay warka ku saabsan inuu geeriyooday , hasae ahaatee waxa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin
“Salaan. Hadda waa maalintii 5-aad ee xaaladdayda korona. Xalay si wanaagsan ayaan u seexday illaa saacadda 10-aad ee habeenimo,” ayuu madaxweynuhu ku yiri boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka habeenimadii Axadda.
Madaxwyanaha Uganda ayaa sheeegay in uu jiro warka ku saabsan , inuu xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay oo uu dareemayay xanuun dhanka muqaha iyo hargab sida uu sheegay.
“Markii hore, Arbacadii, waxaa sidoo kale jiray xoogaa muruq xanuun fudud, oo lagu yaqaano hargabka caadiga ah,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay in xanuunka murqaha uu hadda tagay, marka laga reebo in laga dareemayo caabuqa cunaha.
Madaxwaynaha Uganda ayaa sheegay in uu nool yahay oo aanay jirin warka Kampala yaalla ee sheegaya inuu isaga geeriyooday .
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Museveni loo wareejiyay daryeelka degdega ah ka dibna uu u dhintay dhibaatooyin la xiriira COVID-19.