Arrimaha Bulshada : Sare u kac ku yimid qiimaha la iibiyo xoolaha ee Suuqyada Muqdisho

|

Muqdisho (ONKOD ) Mashquul aad  xooggan ayaa ka jira maanta suuqyada lagu iibyo xoolaha gaar ahaan ariga ka dib markii wax ka yar laba maalin ay ka hartay maalinta ciidul Udxiyo

Qiimaha ariga ayaa ka sarakacay sidii hore , maadaama dadka ay aad u iibsanayaan xoolaha si gaar  ah arriga oo xiligan oo kale suuq fiican yeesha.

Qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa sheegay in qiimaha bil ka hor la iibin jiray neefka Ariga ah iyo kan la iibiyo hadda uu farqi weyn u dhexeeyo, iyagoo taasna ku macneeyey xoolaha Suuqa la keenayo oo aad u yar iyo dalabka oo badan.

Sanad kasta xiligan oo kale marka la gaaro waxaa isbedela qiimaha xoolaha  isla markaana waxa suuq fiican yeeesha sayladaha xoolaha lagu iibiyo guud ahaan dalka.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan sheegtay in sanadkan ay dalalka carabta oo Sacuudigu ugu horeeyo loo dhoofiyey xoolo ka badan milyan iyo shan boqol oo kun, kuwaasoo laga dhoofiyey dekedaha dalka intooda badan.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha