Axmed Madoobe oo caawa kulan deg deg ah isugu yeeray golahiisa wasiirrada

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Muqdisho oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee Madaxtooyada Jubbaland ayaan bixin faahfaahin intaas ka badan, balse xogaha aan ka helnay kulankaas waxay sheegayaan in aad loo gorfeeyey sida gacanta Jubbaland loogu soo celi karo gobolka Gedo.

Dowladii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaad labo sano gobolka Gedo ka heysatay Jubbaland, waxaana hadda weli ku sugan ciidan ka kala tirsan NISA iyo militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ku xiran taliska berri xukunka dalka wareejinaya ee Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo habeen ka hor ka hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo qorshaha uga degan dib u hanashadiisa maamulidda gobolkaas ayaa rajo badan ka muujiyey inuu soo cesha karo Gedo.

Khilaafkii kooxda Farmaajo iyo hoggaanka Jubbaland ayaa sababay inay cadaawad xun isku qaadaan beelaha dega gobolka Gedo iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, waxayna inta badan siyaasiyiinta reer Gedo ku goodiyaan in Jubbaland aysan waxaba ku darsa doonin, inta Axmed Madoobe hoggaaminayo.

Axmed Madoobe, ayaa habeen hore balan qaaday in maamulkiisu uu qorshe cad ula tegi doono dadka reer Gedo, sida in maamulka degmooyinka aan loo magacaabin ayagu ay soo dooranayaan hadda kadib, inuu gobolka ka hir-gelinayo dib u heshiisiin iyo inuu u fasaxayo dhamaan mashaariicdii horay looga xayiray gobolka Gedo, intii uu jiray khilaafkaan.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...