Barlamaanka oo lacagaha kordhistay & miisaaniyada oo la meelmariyay

|

Muqdisho (ONKOD) Xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay miisaaniyada Dowladda Soomaaliya oo maalmahan ay dood ka lahaayeen.

Fadhi maanta xubnaha Golaha shacabka ay ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ayay ku meel mariyeen miisaaniyada oo in mudda ah ay ka taagnayd buuq badan iyo doodo adag.

Xubnaha labada aqal ayaa fadhi ay yeesheen ayay ku meelmariyeen ugu danbeyn miisaaniyada

Miisaaniyada akhrinta 2aad ayaa la marsiiyay, waxaana loo gudbay akhirnta 3aad sidaas ayaana lagu ansixiyay.

Dhanka kale mudanayaasha Golaha shacabka ayaa meel maristay in mushaarkooda loo kordhiyo  oo laga dhigo afar kun iyo shan boqol oo doolar halkii markii hore ay qaadan jireen seddax kun oo doolar.

Lacag dhan kun iyo shan boqol oo doolar ayay meelmaristeen mudanaaysaha Barlamaanka ka dib fadhi ay ku yeesheen xarunta Golaha shacabka labada aqal ee Barlamaanka.

Ololahan ayaa in mudda ah  socday waxaana ugu danbeyn maanta ay meel maristeen qorshahooda ku aadanaa in  ay kordhistaan lacagaha ay qaataan oo dhankeeda buuq uu ka jiray.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha