Barlamaanka Puntland oo tuuray ka doodista xeerka doorasho

|

Garoowe (ONKOD ) Maanta oo Axad ah sida wararka ay sheegayaan waxaa gebi ahaanba laga saaray ka doodista xeerka doorqshooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay.

Arintan ka saarida Ajandaha ayaa ka danbeeysay, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada Baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.

Falanqeyayaasha ayaa sheegaya Ka-saarista ajendaha baarlamanka ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Deni oo doonayey in deg deg loo ansixiyo xeerkan laguna kala baxo.

Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaridka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.

Mucaaradka ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan muddo kororsi, waxaana horey ay iska horimaadyo uga dhaceen magaalada Garoowe, oo shacabka qaarkiis ay ka barakaceen.

Maalmo ka hor waxaa dib loo dhigay fadhigii Barlamaanka maamulkaas ka dib markii uu buuq badan uu ka dhashay ka doodista xeerka doorasho ee qof iyo cod ee uu riixayay sida la sheegay Saciid DENI.

Related Articles

News In English

Fikradaha