Adis Ababa (ONKOD) Hoggaamiyaal aad u diiday hab maamulka Axmed Madoobe oo in mudda ah xukunka Jubbaland haya ayaa shir muhiim ah ugu soo- gaba gaboobay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Inta uu shirkan socday waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in isbedel uu ka dhaca deegaanada maamul goboleedka Jubbaland oo tan iyo aas aaskeeda uu maamulayay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Siyaasiinta ku kulmay magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa intooda badan ahaa kuwa u sharaxan xilka madaxtnimada maamulka Jubbaland oo waqtiga uu ka dhamaaday Madaxwaynaha hadda jooga oo dhawr jeerna u soo noq noqday.
Xubnaha shiray Adis Ababa ayaa soo saaray bayaan ka kooban 16 qodob oo ay uga hadleen guud ahaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka Jubbaland.
Musharaxiintaan oo aad u gorfeeyey arrimaha Jubbaland ka socda iyo doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah oo Axmed Madoobe ay ku eedeeyeen in doorasho uusan qabaneyn ayaa waxay ku dhaheen bayaankooda,
“Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay.”
Doorashada, tabashada siyaasadeed ee maamulka Axmed MAdoobe ay ka qabaan, Dagaalka Al-Shabaab, cambaareyn ay u jeediyeen Axmed Madoobe, codsi ay u direen shacabka iyo dowladda federaalka iyo mahadcelin ay u jeediyeen beesha caalamka ayuu ka kooban yahay bayaankaan oo dheer.