BAYDHABO : 6 askari oo qiyaas lagu fuliyay todobaadkan

|

Baydhabo (ONKOD ) Ex dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan oo maanta magaalada Baydhaba looga oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan Loo arkin meedkiisa.

Dhinaca kale Ex dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jira dilka ayaana yimid ka dib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taala Baydhaba

Seddaxdii maalin ee la soo  dhaafay magaalada  Baydhabo ee gobolka Baay waxaa lagu toogtay askar la sheegay in dilal ay u gaysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Shalay ayay  ahayd markii askar ka tirsanaa maamulka koonfur Galbeed lagu toogtay isla magaalada Baydhabo ee gobolka Baay,  waxay ka dhigan  tahay in todobaadkan keliya Baydhabo lagu toogtay ilaa ilaa askari.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha