Biden ‘’ Israel way ogolaatay in sahayda la gaarsiiyo marinka GAZA’’

|

Muqdisho (ONKOD)  Madaxwaynaha  Maraykanka Joe biden oo booqasho  ku tagay Israel ayaa sheegay in sahayda gargaar la gaarsiin doono marinka GAZA halkaas oo duqeyn  arxan darro ah ay ka gaysanayaan ciidanka Israel.

Ka hor inta uusan ka dhoofin Biden Israel ayuu sheegay in wada hadal ka dib ay isku afgarteen in sahayda la gaarsiiyo Gaza hase ahaatee  sharuudu ay tahay in baaritaan la marsiiyo.

Madaxwaynaha Mareykanka Biden oo  markii hore taageero xoogleh u muujiyey Israel ayaa u muuqda inay saameyn ku yeelatay dhawaaqa caalamka ka imaanaya iyo diidmada madaxdii Carabta oo joojiyey kulankii ay la yeelan lahaayeen.

‘’Israel waxay ogolaatay in gargaarka deg deg ah la gaarsiiyo Gaza, balse waxay sharuud uga dhigeen in baaritaan la marsiiyo gargaarka halkaasi la geenayo ‘’ ayuu yiri Joe Biden.

Duqeynta Israel ku wado Gaza oo weli socda ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 3.500 qof oo 70% ay yihiin caruur, haween iyo dad waayeel ah.

Xamaas ayaa ku eedaysay Madaxwayne Biden inuu si indho la’aan ah ugu eexday Israa’iil, waxayna sheegtay in Washington ay qayb ka tahay waxa ay ugu yeertay xasuuqa.

Dhacdadan ayaa keentay carrada sii kordhaysa ee Shucuubta gobolka, waxaana la baajiyay shir madaxeedkii la qorsheeyay ee Mr Biden iyo madaxda Carabta.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha