Bukrkina Faaso: oo Millitari Afgenbiyay

|

Burkina Faso (Onkod Radio) — Saraakiil katirsan Millitariga Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay in ay xilka ka tuureen hoggaamiyihii Afgambiga ku qabsaday awoodda Dalkaas ee Col. Paul Henri Sandaogo Damiba oo horay ugu dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika.

Millitariga ku dhawaaqay in xukunka uu ka tuuray hoggaamiyihii afgambiyay Madaxweynaha ku yimid Doorashada ayaa Warbaahinta Dowladda ka sheegay in ay talada qabsadeen kana shaqeynayaan qorshihii lagu hagi lahaa Dalkaas.

Afhayeen u hadlay Ciidanka awoodda ku qabsaday Burkina Faso oo warqad u qoran ka akhriyay Teleefishinka Dowladda ayaa sheegay in laga billaabo wakhtiga Afgambiga ay sameeyeen uu Madaxweyne Dalka ka yahay Captan Ibrahim Traore.

Dalka waxaa la geliyay Bandow 8 saac qaadanaya oo ka dhaqangalay, waddooyinka iyo xarumaha muhiimka ah waxaa la dhigay Ciidamo aad u hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka halka la maqlayay rasaas meelaha qaar marmar ka dhaceysa.

“Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiirri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sar sare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada millaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalinno amniga iyo sumcadda dalkayaga, “Kulan ayaa la isugu imaan doonaa si loo ansixiyo axdi cusub oo ku meel gaadh ah, laguna soo xulo madaxweynaha cusub ee Burkina Faso ha ahaado rayid ama mid ciidan” Sidaasi waxaa yiri Afhayeen u hadlay ciidmada inqilaabka sammeeyay oo lagu magacaabo Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho.

Dalal badan oo Afrika ah waxaa caado & soo jireen ka noqday in xilalka lagu kala qabsado nidaam Millitari iyada oo la afgambinayo madaxda xilligaas waddanka maamuleysa, Midowga Afrika ayaa cambaareeya kaddibna waxaa lala qabsadaa maamulka cusub ee xafiiska yimaada.

Related Articles

News In English

Fikradaha