Ciidamo loo daabulay degaano colaad ay ka jirta oo Galgaduud ah.

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Degaannada maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo gaar ah loo daabulay si ay uga qayb qaataan daminta xiisad dagaal oo ka jirta degaanada maamulka Galmudug.

Ciidamo ka socda qeybta 21aad ee Dowladda Soomaaliya qayb ka ah kuwa la doonayo in ay ka qayb galaan in ay kala qaadaan maleeshiyaadka isku hor fadhiya degaano hoos yimaada Degmada Caabudwaaq.

Degaanka laba-gale oo deganka Dhabad kaga beegan dhanka Koonfureed ayaa ah goobaha la doonayo in ciidanka ay gaaraan halkaas oo ubuc u ah dagaalada salka u haya , qabaa’ilka ee ka taagan gobolka galgaduud.

Wararka RBC uu ka helayo halka dagaalada ay ka socdaan ee ciidanka loo diray ayaa sheegaya in labada maleeshiyo beeleed wali ay is horfadhiyaan isla markaana mararka qaar la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Maamulka Galmudug ayaa xooga saaraya , wax ka qabashada qul qulutooyinka salka ku haya qaaa’ilka ee inta badan ku soo noq noqda degaanada maamulka Galmudug.

Dhanka kale : Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Guddi ka qayb qaata xal ka gaarista khilaaf gacan ka hadal ah oo u dhaxeeya laba beel oo wada dega gobolka galgaduud.

Related Articles

News In English

Fikradaha