Ciidankii ugu badnaa oo isaga baxay deeganadii hore loogu saaray AS

|

Ceelbuur (ONKOD) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa isaga baxay deegaanadii  ugu badanayd ee dhawaan ay kala wareegeen kooxda Al-  Shabaab ee gobolka galgaduud halkaas oo dagaalo ay ka dhaceen.

Ciidanka  ayaa la soo sheegayaa in lagu amaray in ay isaga soo baxaan deegaanadii ay kala wareegeen kooxda , taas oo keentay in shaki badan uu – hareeyo sida uu u socdo howlgalada.

Deegaanada ilaa iyo   hadda  la sheegay in ay ka soo baxeen ciidanka Dowladsda Soomaaliya ayaa , ah Ceeldheer, Masagaway, Wabxo, Budbud iyo Galcad.

Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dawladda ayaa weli ku sugan magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay isku filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka socdana aan la siyaasadayn.

Arrintan ayaa imaneysa xilli weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan, ayada oo saraakiisha amniga ay sheegeen in tani ay ku timid talo-xumada wasiirka difaaca

Raxanreeb/ ONKOD

Related Articles

News In English

Fikradaha