DABAGAL : Dad caraysan oo xirtay waddooyinka Beledwayne & XIISAD taagan

|

Beledwayne (ONKOD) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  in halkaas maanta oo Axad ah ay xirteen ciidano hubaysan

Dadka  ayaa lagu soo waramayaa in waddooyinka qaarkood ay ku sugan yihiin koox hubaysan oo ka mid ah kuw macwiislayda.

Waxaa la sheegay in kooxday ay ka godoodsan yihiin xil ka qaadista maamulka Hirshabeelle uu ku sameeyay Guddoomiyihii  gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan.

Maamulka gobolka Hiiraan wax war ah ma uusan ka saarin xaaladda maanta ka taagan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa ah shaqsi lagu xasuusto doorkii weyna uu kasoo qaatay wajiga koowaad ee howlgaladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee looga saaray kooxda guud ahaan Bariga gobolka Hiiraan.

Shaki badan ayaa ka dhashay xilka laga qaaday Guddoomiyihii  gobolka Hiiraan oo mar ay is qabteen madaxwaynaha Hirshabeelle  Cali Guudlaawe.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha