Dagaal Jilbaha la isku aastay oo ka dhacay BAKOOL + Khasaaraha

|

Xudur (ONKOD ) Wararka aan ka helayno degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya inhalkaas uu ka dhacay dagaal muddo saacado badan uu socday sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab oo markii hore qaaday weerarka sida ay ku warameen saraakiisha Dowladda ee halkaas ku sugan.

Waxa lagu sheegayaa in dagaalkan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Huujaley oo hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaas oo saldhig ay ku laahayeen kooxda Al- Shabaab.

Labada dhinac ayaa la sheegay inuu soo kala gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac , mana  jirto war ay ka soo saareen dagaalka khasaaraha gaystay.

Dhawr mar deegaano ka mid ah gobolada Baay iyo Bakool sidan oo kale waxa uga dhacay dagaal khasaare gaystay oo dhaxmaray ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha