DENI oo dhamaystiray Guddiga Doorashada & kan Khilaafka

|

Garoowe (ONKOD) Madaxwayanaha maamul goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaba gabeeyay la tashiyada ku saabsan guddiga qabanaya doorashada maamulkaas.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa inuu dhamaystiray Guddiga xalinta khilaafkaadka doorashada oo isha si aad ah loogu hayo.

Guddiga ayaa sida la sheegayo badan xubno ka tirsanaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo xubno laga keenay guddigii doorashada ee PEC.

Xubnaha diyaarsan oo liiskooda la shaacin doono ayay qaarkood si weyn siyaasadda isugu hayaan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland.

Sida xogaha ay sheegayaan xubnaha mucaaradka ah ayaa isha ku haya xubnaha uu soo magacaabi doono Madaxwayne Saciid Deni oo maalmo ka hor sheegay inuu ka tanasuulay doorashadii Qof iyo Cod.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawwaan aqbalay in doorashada Puntland ku dhacdo nidaamkii hore uu diidanaa, waxuusa Deni diidan yahay in xildhibaannada hadda joogo wax doortaan, isaga oo dalbaday in xildhibaanno cusub lasoo xulo.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha