DF oo sheegtay inay Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno katirsan Galgaduud

|

Baxdo (Onkod Radio) — DFS ayaa sheegtay in howlgallo saakay ciidanka Dowladda ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud DG Galmudug ay ku qabsadeen deegaannada kala ah Maygaag, Duub, Dhisaqa, Abooray & deegaanno kale.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Federaalka garab ay ka heleen Dadka Deegaanka oo ay hormuud u yihiin Culimada, howlgalkana uu u dhacay sida loo qorsheeyay sida lagu yiri warka kasoo baxay DFS.

Bayaanka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgallada ay kasii socdaan deegaanno dhanka Bari ka xiga Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, ujeedka ugu weyn uu yahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaannada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

“Ciidamada Dawladda iyo Kuwa xoraynta Shacabka ee deegaano ka tirsan gobalka Galguduud kala wareeegay khawaarijta Alshabaab. Hawlgal balaaran oo saaka alaseey ka bilawday deegaano ku yaalla dhanka bari ee degmada Baxdo ayaa gacanta khawaarijta looga saaray deegaano ay ka mid yihiin, Maygaag Duub,Dhisaqa , Abooreey iyo kuwa kale. Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya ayaa kusii siqaya goobo kale oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Khawaarijta ah” sidaasi waxaa yiri warka kasoo baxay DFS.

Gobollada Galgaduud & Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan iyo abaabulka Guluf colaad oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle & Dadka Deegaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha