DFS oo doonaysa in go’doominta ka qaado Baydhabo & talaabo ay qaaday

|

Muqdisho (ONKOD ) Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo kuyaalla inta u dhaxeysa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ku dilay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda weerareen goob koontarool u aheyd Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu dilay toban dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay goobta ay howlgalka ka fuliyeen ciidanka dowladda in Al Shabaab u aheyd isbaaro, waxa ay sidoo kale sheegeen in bartan u adeegsanayeen go’doominta magaalada Baydhabo.

Howlgalka ka dhacay Buurhakaba wuxuu imaanaya xilli cunaqabateyn adag ay Al-Shabaab ku soo rogeen gobolka Bay, taas oo dhalisay qeylo dhaan iyo sicir-barar ka taagan magaalooyin ay ugu horeyso Baydhaba.

Goor sii horeysay , Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay  dileen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgallo cirka iyo dhulka ah ka fuliyeen deegaannada Gal Libaax iyo Ceel Qurac ee bartamaha Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha