DFS oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah burcadda MUQDISHO

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah burcadda hubeysan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kale xilliyada habeenkii ah ka geysta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa shaaciyey in howl-galladaasi oo ay fulin doonaan qaybaha ay ka kooban yihiin ciidamada inay ka bilaaban doonaan gudaha caasimadda si looga hortego amni daada.

“Laga bilaabo maanta waxaan bulshada gobolka Banaadir u xaqiijineynaa in guud ahaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan kala harin qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, qaybaha kala duwan ee gobolka, fadhiyada madaxa-bannaan iyo ciidanka gaarka ah dhammaan taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu amray in laga wda howlgalo muddo koobana lagu soo afjaro carruurtaasi gaangiska ah ee caadeestay inay Ummadda hantidooda qaataan, dhiigoodana daadiyaan,” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in inta badan dhibaatooyinka iyo dhaca shacabka lagu geysto mootooyinka nooca Bajaajta, isla-markaana ay ku raadjoogaan.

“Waxaan heynaa mootooyin badan oo u adeega tuugada, dadyowgii raacana u geeya tuugada si loo dhaco oo hantida looga furto,” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray milkiilayaasha mootooyinkaasi, wuxuuna ugu baaqay inay marka hore hubiyaan qofka ay ka kireysanayaan mootooyinkooda.

“Waxaan kaloo rabaa inaan halkan farriin uga diro milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta ee kireeya shaqsi walba oo mootadaada aad ka kireyneyso, waa inaad u heysaa caddeyn dambi la’aan ah,” ayuu markale yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo wargeliyaan kooxaha dhaca geysta iyo sidoo kale kuwa ka ganacsada maandooriyaha oo uu tilmaamay inay iyagujna la dagaalamayaan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa faraha ka baxayey amniga caasimadda oo ay kusoo kordheen rag hubeysan oo dhacaya shacabka, waxaana ugu dambeeyey dilkii loo geystay  Macalin Cismaan Axmed Macow oo moobeyl dartiis loogu dilay Dharkenley, kaas oo ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan tan Horseed.

Related Articles

News In English

Somaliland should free two TV journalists detained for covering protests in Hargeisa

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) call for Somaliland authorities to free without condition two local...

UN declares the arrest and detention of journalist Kilwe Adan Farah in Somalia’s Puntland a human rights violation

Mogadishu (Onkod Radio) — 15 August 2022. Somali Journalists Syndicate (SJS) and human rights lawyer, Michael Polak of Justice Abroad jointly welcome the opinion...

A devastating drought in Somalia has reached unprecedented levels, as the one millionth person displaced – aid group

Mogadishu (Onkod Radio) —  More than 755,000 people have been internally displaced in Somalia because of the severe drought this year, bringing the total...

Somalia: Ahmed Hassan Wehlie: Combining a love for technology with peacebuilding

Mogadishu (Onkod Radio) —  Somalia Ahmed Hassan Wehlie has always had a technological bent. He displayed his talent in this area early in life....

Somali youth encouraged to embrace science to drive national transformation

Mogadishu (Onkod Radio) — Somalia – The annual summit on Science, Technology, Engineering and Mathematics (STEM) concluded in Mogadishu on Tuesday, with a call...

Fikradaha

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...