Dhallinyaro Soomalai ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxayo dil xalay dhallinyaro Soomaaliyeed loogu gaystay gudaha dalka Koonfur Afrika, xilli ay ku sugnaayeen xarumahooda ganacsi.

Dhallinyarada dilka loo gaystay oo ahaa laba qof ayaa lagu kala magacaabi jiray Yaasin Cumar, iyo Yuusuf Jowhar, kuwaas oo kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiga u joogay dalka Koonfur Afrika.

Dilka dhallinyaradaan ayaa yimid kadib markii kooxo burcad ah, oo Koonfur Afrikaan ah, ay weerar ku soo qaadeen goobo ganacsi oo ay dhallinyaradaan lahaayeen.

Laammaha ammaanka ee Koonfur Afrika, ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay oo ku taalla xaafadda Kalija Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika.

Related Articles

News In English

Fikradaha