Dhaqdhaaq iska soo horjeeda Dowladda & Al- SHABAAB

|

Muqdisho (ONKOD )Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah  ay geysay degaano ka tirsan degmooyinka Cadalle iyo Ceeldheer ee ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgaladan ayaa sheegay in ujeedka duulaankan uu yahay sidii dowladda ay  ugu adkaan lahayd oo ay jabin lahayd   kooxda Al- Shabaab oo laga saaray meelo badan oo dalka ah .

Talaabadan waxaa barbarsocda qorshe Al- Shabaab ay ku weerarayaan goobihii ay baneeyeen ciidanka ATMIS ee howlgalka midowga Afrika.

Waxa is socda laba  howlgal oo dalka ka socda midi kan Dowladda , halka kooxda Al- Shabaab dhankooda ay weeraro ka fuliyaan gobolada qaar ee dalka.

Dhawr goobood ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab weeraro ay ka fuliyeen kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan sida goobjoogayaashu ay sheegeen,

Gobollada dhexe ee dalka waxaa ka socda diyaar-garow militeri oo Xasan Sheekh Maxamuud la sheegay inuu saldhig ka dhiga doona degmada Dhuusamareeb

Diyaargarowgaan waxaa dhinac socda abaabul xooggan oo Ciidamada Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS oo qorshuhu yahay in ay dalka isaga baxaan dhammaadka sanadka soo socda 2024 .

Related Articles

News In English

Fikradaha