Dil arxan darro ah oo ay geeysteen ciyaal weero oo ka dhacay Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Axmed Maxamed Nuur, waa abaaha dhalay Xamaada, oo si arxan darro ah, ay ugu dileen Ciyaal Weero degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Xamaada ayaa u geeriyooday dhaac xun oo kasoo gaaray dhoowr seef oo ku dhacday illaa iyo inkabadan 5 Seefood oo xalay ay ku weerareen hooygiisa Ciyaal weero ugu danbeeyna uu geeriyooday Xamaada oo ahaa Wiil dhallinyaro ah.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Aadan Dacayeey, inuu dilay Xamaada.

Aabo, Axmed Maxamed ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbaday inuu helo Wiilkiisa Caddaalad.

Muqdisho, ayaa sannadihii danbe aad looga dhibbanaa Ciyaal Weero kuwaas oo laaya Waayel iyo Carruur Dumar cednaba aam uga aawayeeleynin ayagoo qaar nafta dhaafiyay qaarna dhaca qaarna dharka kasiiba ayagoo muuqaalo anshax xumo ah, ka duuba.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax weeyn ka qaban cashada jirta muddo ka badan Sannad.

Related Articles

News In English

Fikradaha