Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cadde

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Shil diyaaradeed ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku burburtay diyaarad sida dad shacab ah, sida ay muujinayaan xog iyo sawirro.

Sida Onkod ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa shilka uu ka dhashay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Jubba Airways, taas oo lasoo wariyey inay burburtay gebi ahaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay shilka gashay, xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha garoonka, waxaana ka dhashay dab xoogan oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, balse burburiyey diyaaradda

Diyaaradda ayaa sameysay duulimaad gudaha dalka ah, waxayna dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay 30 qof ay kasoo qaaday magaalada Baydhaba.

Waxaa lasoo bad-baadiyey dhammaan rakaabka la socday diyaaradda oo neeceedu ahaa Fokker 50, mana jiro khasaare dhaafsiisan burburka diyaaradda shirkadda Jubba Airways, sida aan xogta ku helnay.

Related Articles

News In English

Fikradaha