Faah-faahin: Diyaarad sidday rakaab oo saacdo la waysanaa oo hadda la helay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Diyaarad ay lahayd shirkadda Tara oo la waayay maanta galinkii ayaa laga helay dalka Nepal. Rakaab gaaraya 21 qof ayaa saarnaa diyaaraddan kuwaas oo afar ka mid ah ay u dhasheen dalka Hindiya halka afar kalana ay ka soo jeedaan dalka Japan.Diyaaraddan oo ahayd mid yar isla markaana qaadda tiro yar oo dad ah ayaa ka duushay magaalada Pokhara ee dalka Nepal,iyadoo ku sii jeeday deegaanka Jomsom ee isla dalkaa ka tirsan.

Wararka ayaa sheegayay in wax yar kadib markii ay diyaaraddu duushay ay lumisay xiriirkii kadibna ay ku baxeen ciidamada Nepal oo wata mid ka mid ah diyaaradaha qumtaaiga u kaca ee loo yaqaanno helicopter-ka.

Cimillada oo xumeed awgeed diyaaraddii baadi goobka gashay ayaa dib u soo laabatay saacado kadib . Galabta ayay mar kale ayuu dib u bilowday howgalkii lagu baadiyay goobayay diyaaraddaan saacadaha la waysanaa, Madaxa garoonka caalamiga ah ee Tribhuvan ee Kathmandu, ayaa ku wargeliyay dadka iyo dwoladdaba in diyaaradda laga helay dhulka deegaanka Kowang ee Mustang ee dalka Nepal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee ANI.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow afka wabiga Lamche. Afhayeenka ciidamada Nepal Narayan Silval ayaa ku wargaliyay in kooxda ciidanku ay goobta gaareen.

Safaaradda Hindiya ee dalka Nepa ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda India ee Nepal ay la xiriireen qoysaska Hindiya ee ehelkoodu la socdeen diyaaradda la waayay. illaa iyo hadda faah-faahin dheeri ah lagama bixin khasaaraha ka dhashay dhicitaanka diyaaradda.

Inta badan deegaannada diyaaradda lagu waayay waxaa la sheegaa in cimilladoodu xuntahay, taasi oo mar walba khatar galisa bad-qabka diyaaradaha.

Safarka diyaaradeed had iyo jeer waa dhib gudaha Nepal, oo ah waddan ku yaal dhul buuraley ah, Madaarka Lukla ayaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah garoomada ugu khatarta badan caalamka. Xitaa hadda ka hor, waxaa jiray shilal waaweyn oo ka dhacay buuraha Nepal.Sanadkii 2018, diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee US-Bangla Airlines ayaa ku burburtay magaalada Kathmandu, waxaana ku dhintay 51 qof Sannadkii 1992-kii, diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha caalamiga ah ee Pakistan ayaa ku dhacday buur dusheeda, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 167-kii qof ee diyaaradda saarnaa.

BBC

Related Articles

News In English

Fikradaha